U bood dhigaalka

Dib u Habeyn Lagu Sameynayo Ciidamada Booliiska Puntland

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Booliiska, ka dib markii dhawaan taliskaasi loo magacaabay Taliye Cusub.

Taliyaha Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Af-gaduud oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda uu ka shaqeynayo tayeenta ciidamada Booliiska.

Tababarada ciidamada Booliiska ayuu sheegay in la xoojinayo, sidoo kalena guud ahaan ciidamada ay noqon doonaan kuwo tababar leh, qaarkoodna xerooyin lagu xareeyay.

Dugsiga Tababarka ee Carmo ayuu sheegay in tababar uu uga furay 750 askari , kuwaasi oo muddo 45 cisho ah tababar ay noqon doonaan.

Waxa uu sheegay in Booliiskaan ay u badan yihiin Dhalinyaro, sidoo kalena ay ku dhex jiraan qaar ka mid ah Booliiskii hore, kuwaasi oo dhalinyarada qibrad kusoo kordhin doona.

“Booliiska oo dhan ayaa tababarkaan qaadan doona, inta aan xilkaan haayo waxaa ballan ah in isbedal ciidan uu yimaado, waana waajib i saaran inaan Booliis Horumarsan keeno”

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in markii la helo ciidan tirakooban, iskuna dheeli tirran in si toos ah loo siin doono mushaarkooda, taasina uu ballan qaaday madaxweyne Gaas.

Goobjoog News