U bood dhigaalka

Dib u Habeyn Lagu Sameynayo Ciidamada Ilaalada Deegaanka Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar C/naasir Maxamuud Indho-qarshe ayaa sheegay in tababar ku filan aanay helin ciidamadaasi, kuwaasi oo hadda qabta howlo badan oo ay ka mid tahay qaadista canshuurta iyo ilaalianta wax walbo oo deegaanka wax u dhimaya.

Ciidamada ilaalinta deegaanka ayaa ahaa kuwo shaqo badan qaban jiray, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay qaban jireen nadaafadda, ka hortagga waxyaabaha dhacay iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Taliyaha ayaa sheegay inay wadaan dadaallo badan oo dib u qaabeen loogu sameynayo ciidamadan, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in maamulka gobolka Banaadir kala hadleen sidii tababar loo siin lahaa ciidankaasi.

“Caqabado wey na heysataan, ciidamada kale ee dalka tababar bay helaan, ciidan baa tababar uga soo baxa, wuxu haddii aanay waxbo kusoo kordheyn, kuwii horena iska joogaan wax ay faa’ido yeelaneyso malahan, haddii aadan gurigaaga dib u habeyn ku sameyn mar walbo makuu shaqeynayo, duqa magaalada waan isku af garannay in wax un uu inagu soo kordhiyo, hadda rag baa fadhiya oo guddi aan aniga magacaabay ah oo Shan nin ka kooban, waxay ka shaqeynayaan ciidankii lagu kordhin lahaa ciidankaan iyo qaabkii loogu kordhin lahaa, iyo waqtiga lagu kordhin lahaa, inta aan aniga immaan waxaa jirtay 60 sarkaal oo tababar looga furay Iskool Boliisyo xilligii uu duqa magaalada ahaadaa Tarsan” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale Taliye C/naasir ayaa shacabka waxa uu uga digey inay hareer maraan nidaamka sharciga ah ee loo maro dhismaha guryaha, taasi oo uu sheegay in mararka qaar ay keenayso inay iska horyimaadaan shacabka iyo ciidamada shaqadooda gudanaya.

Ciidamada ilaalinta deegaanka waxay hadda ka shaqeeyaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana inta badan ay ka howlagalaan suuqyada oo ay ka qabtaan howlaha canshuur qaadista.

Goobjoog News