U bood dhigaalka

Dib U Milicsi: Akhriso : Doorashada Abiy Uu Isla Galay Bilaw Illaa Dhaamad

Sheeko:Amniga

Muran badan ayaa illa iyo hadda sii hareynaya doorashooyinka Xisbiga Barwaaqo iyo hogaamiyahooda Abiy ay qabanayaan.

Waxaa soo gaba gaboobaya ololaha doorashada, iyadoo dhamaan xisbiyada Mucaaradka ay isaga harayaan doorashada, Abiy iyo xulafadiisa ayaa ku keli noqday sanaadiiqda cod bixinta.

Gobalada dalka oo dhan ayaa la soo wariyay in ay ka dhacday caburin dhanka codbixinta ah taas oo ay wada qoomeen siyaasiyiinta Mucaaradka.

Doorashada oo hadda ay isugu soo hareen Xisbiga Abiy iyo xildhibaano Maqaar saar ah ayaa la soo gaba gabeynayaa hadda.

Tan iyo bilawgii doorashada gobalada ayaa warar aan la mahdin oo doorashooyinka ah ay ka soo baxayeen, kuwaas oo ay bulshada ku sii kala fogaaneysay.

Gobalka Soomalida: Maanta oo sabti ah ayaa lagu soo gaba gabeynaya dowlad deegaanka Soomaalida ololaha  doorashada heer gobal iyo heer federaal.

Doorashada aya lagu wadaa sidoo kale in ay qabsoomto 30-ka bishaan September waxaana kuwada tartami doono Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiin madaxbanaan.

Dhamaan xisbiyabada Mucaaradka ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa isaga haray doorashada kadib markii ay sheegen in ay xisbiga talada hayo uu hoosaasin  dhanka codbixinta ah uu sameeyay.

Doorashadaan oo horay uga qabsoontay goabalada kale ee Itoobiya ayaa waxaa dib loo dhigay gobalka Soomaalida kadib muran hareeyay doorashada.

Baarlamaanka doorashadiisa ay hadda socoto ayaa waxaa kalfadhigiisa ugu horeeyo waxa uu yeelanaya 4 bisha October .

Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeyeen in guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ay ku guul dareysteen in ay ka madaxbanaanadaan xisbiga talada haya, taas oo markii dambe keentay in ay isaga baxaan doorashada.

Gobalka Gambella:  Hogaamiyayaasha xisbiga GPDM ee ka dhisan gobalka ayaa dhankooda cadaalad daro ka muujiyay doorashada.

GPDM ayaa Abiy iyo Xisbigiisa ku eedeyay in ay gacan bidixeynayaan doorashada dalka ka socota, xilli la marin habaabiyay olalaha gobalka oo aan si sax ah loo qeybsan.

2018 Abiy ayaa Gambeella ku tagay safar markaas oo uu la kulmay hogaamiyayaasha Mucaaradka , xilligaas oo Abiy uu xulufeysi iyo galaan-gal siyaasadeed gobalka ka waday.

Ololaha gobalka ka dhacay ayaa la sheegay intii ay doorashada socotay in xisbiga PP ee Abiy ay xisbiyada kale dhabar jabiyeen.

Gobalka ayaa sidoo kale ay ka soo baxeen musharixiin madaxbanaan oo la sheegay in ay yihiin kuwa dahsoon oo Abiy iyo xulafadiisa ay maqaar saar u yihiin.

Gobalka Amhara: Gobalkaan oo ah kan labaad ee ugu dadka badan dalka Itoobiya ayaa sawirada laga qaaday  intii ay socotay doorashada bishii June waxa ay muujinayeen kuwa si aad ah dadka ay safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta.

Dhaqdhaqaaqa Qaranka Amxaarada ee magacooda loosoo gaabiyo NaMA ayaa dhankooda PP ku eedeyay in ay diideen tartan furan oo loo wada dhan yahay.

Gobalka oo dhan ayaa ay soo wajahday Amni daro kadib markii ay qalalaaso ka bilaabmeen goobaha doorashada intii ay codbixinta socotay.

Si kastaba ha ahaatee, A-PP waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah si ay u muujiso in garabka gobolka ee xisbiga uu ku jiro si uu u guuleysto. 138-kii murashax ee A-PP, dhamaantood musharixiintaan ayaana ahaa kuwa cusub marka laga reebo hal musharax oo ka mid ahaa .

Gobalkaan ayaan xisbiga Abiy aya soo xaabsadeen cododkiisa oo dhami kaas oo aanay jirin cid lala babac dhigo dhamaan natiijada garabyada gobalka.

Gobalka Sidema: Gobalkaan ayaa sidoo kale intii ay doorashada socotay laga soo wariyay tacadiyo iyo gabood fallo taagerayaal aan la aqoon ay geeysanayaan.

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Sidama (SLM) , ayaa la sheegay in musharixiintooda ay la kulmeen Hanjabaado iyagoo sidoo kale qoysaskooda loogu  baaqay in ay la kulmayaan dilal.

Doorashada gobalka ayaana weli lagu muran san yahay xilli 30-ka bishaan dhamaan la soo afmeerayo doorashooyinka dalka.

Gobalka Afar:  Gobalka canfarta ayaa dhibaatoyinka doorashada kala mid ah gobalada kale, iyadoo gobalka u sii dheertahay saameynta dagaalada TPLF iyo xukuumadda afduubka doorashada waddo.

Canfarta ayaa dagaallo laba dhinac ah iyo doorasho ku jirtay muddooyinkii dambe, dagaallo ayaa canfarta ay la gashay Soomaalida, halka dhinaca kale ay dagaal kula jirtay TPLF oo weeraro ku soo qadeysay mar marka qaar.

Garabka Abiy ayaa soo wariyay in gobalka ay doorashada si nabdoon uga dhacday, xilli ay jireen rabshado iyo qalalaaso ka dhacay goobaha codbixinta intii ay socotay doorashada.

Markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, xisbiga gobalkaan ka dhisan ayaa qaadacay natiijada, iyagoo shegay in xisbiga talada hayo uu ku shubtay codadka doorashada.

Gobalka Dire Dawa: Intii ay doorashada socotay ayaa laga soo wariyay in qowmiyadaha daga gobalkaan ay dagaallo dhex mareen.

Marka laga reebo musharixiinta PP, sagaal xisbi siyaasadeed iyo hal musharrax oo madax -bannaan ayaa isu diiwaangeliyay inay u tartamaan kuraasta baarlamaanka ee Diridhaba.

Waxaa ka maqan dhinaca mucaaradka waa xisbiyada ugu shacbiyadda badan magaalada Diridhaba, oo ay ku jiraan Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromada iyo Oromo Federalist Congress, kuwaas oo lagu qasbay inay ka baxaan tartanka sababo la xiriira inaysan awoodin inay si cadaalad ah u tartamaan.

Xisbiga caanka ah ee mucaaradka Soomaalida, Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (ONLF), oo hoggaamiyeyaashoodu Abiy ku casuumay dib uga soo noqoshada, ayaan sidoo kale isa soo sharixin, iyagoo sheegay in saraakiisha xisbiga talada haya ay caqabad ku noqdeen awooddii ay ku lahaayeen diiwaangelinta musharraxiinta.

Gobalka SNNP:  Gobolka Shucuubta Koonfureed, Qowmiyadaha Itoobiya, ayaa isna waxaa ku soo baxay xisbiga PP.

85 ka mid ah 104 degmo ayaa u codeeyay 21kii Juun PP -na wuxuu ku guuleystay 75 ka mid ah, taas oo keentay in inta badan ay Mucaaradka laalaan natiijada.

Gobalka Benishangul-gumuz: Gobolka Benishangul-Gumuz (BGRS) wuxuu lahaa tirada ugu yar ee cod-bixinta doorashooyinki dhacay June.

Sidoo kale gobalka ayaa rabshado ka dhaceen inti ay socotay doorashada Abiy iyo xulafadiisa ay qabsanayaan oo inta badna gobalada dalka Xisbiyada mucaaradka ay ka diideen.

21kii Juun, codbixintu waxay ka dhacday kaliya Aagga Assosa, marka laga reebo Oda Buldiglu Wereda, iyo Mao Komo Special Wereda. PP wuxuu ku guulaystay 22 kursi golaha gobolka iyo saddex ka mid ah sagaal kursi ee baarlamaanka.

Gobalka Oromia: Doorashada ka dhacday gobalka ayaa waxaa xisbiga PP uu ka helay 96%, taas oo keentay in xisbiyada kale ay isaga hareen doorashada.

Deegaannada waaweyn ee koonfurta iyo galbeedka Oromiya ayaa ammaankoodu aad u liitay si ay uga qaybgalaan codbixintii Juun. Codbixinta deegaannadan ayaa dib loo dhigay 30 -ka Sebtembar, in kasta oo rabshadaha socda iyo iska -horimaadka sii kordhaya ee Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ay shaki gelinayaan in geedi -socod lagu qanci karo uu dhici karo.

Gaba gabo: 21kii Juun, doorashooyin ayaa lagu qabtay 425 ka mid ah 547 goobood. Musharrixiin dhan 9,505, oo ay ku jiraan 9,357 xubnood oo loo magacaabay xisbiyo siyaasadeed oo matalayay 20 xisbi qaran iyo 33 xisbi goboleed, iyo 148 murashax oo madax bannaan.

Wareeggan koowaad, xisbiga hadda talada haya ee PP ayaa ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ah 425 -ta baarlamaanka. Doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo magaalada, PP ayaa ku guulaysatay ku dhawaad ​​98% kuraastii la isku haystay (1,625 ka mid ah 1,664).

WQ/ Abdirahman Sabriye

Goobjoog News