U bood dhigaalka

Dibaatooyin Caafimaad Oo Ka Dhasha Hindhisida La Isku Celiyo

Sheeko:Caafimaadka

Jariidada “Independent” ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in dhakhaatiirta ay ka digeen khatarta ay leedahay in afka la xiro oo la isku celiyo hindhisada.

Warbixinta ay jariidadu daabacday ayaa lagu sheegay in dhakhaatiirta Leicester ay daaweynayaan nin 34 jir ah oo hungurigu uu dalillaacay; kadib markii uu hindhiso isku celiyay, hawadii uu isku celiyay ayaa keentay iney dhibaato gaarsiiso hunguriga oo dillaacay, waxayse tilmaameen in dhawaacyadan oo kale ay aad u yaryihiin, laakiin ay tahay iney dadku ay ku baraarugaan khatarta ay yeelan karto in hindhisada la isku celiyo si ay uga gaashaantaan.

Wargeyska oo soo xiganaya  joornaalka caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in hindhisada la isku celiyo sidoo kale laga dhaxlo iney dhibaato soo gaarto dhagaha, xitaa ay dhici karto inuu xidid halbowle ah qarxo oo gudaha maskaxda ah.

Ninka ay dhakhaatiirtu ku daaweynayeen magaalada Leicester ayaa sheegay, in markii uu hindhisada isku celiyay uu qoortiisa wax ka dareemay,  isla markiina uu arkay in hadalku ku adag yahay cunadiida aanuu qaadan karin, markii uu dhakhtar aadayna oo la baaray caabuq lagu arkay qoortiisa iyo hungurigiisa.

Raajadadii la saaray ayaa lagu arkay in dhuuntiisu ay hawada beerdareynayso oo ay meel kasii daynayso. Dhakhaatiirta ayaa muddo isbuuc ah raashinka ku siinayay tubo si uu uga soo kabsado dhaawaca oo muddo isbuuc ah laga daaweynayay.

Jariidada “Independent” warbixinteeda waxay kusoo gabagabeysay in hindhisadu ay gudbiso cudurada, intii uu qofku isku celin lahaa ay habboon tahay in uu afkiisa wax ku daboolo, si aanuu jeermiska hawada ugu faafin.