U bood dhigaalka

Dibad-bax Axmed Daaci lagu tageerayo oo Muqdisho ka dhacay iyo AMISOM oo ka hadashay howlgalkii Wadajir

Sheeko:War

War saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu faafaahiyay dagaal saaka ka dhacay Degmada Wadajir kaaasi oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Axmed Daaci.

Madaxda AMISOM ayaa sheegay in iyagoo caawinaya Ciidamada Amaanka Somaaliya ay weerarakaasi qaadeen si ay usoo qabtaan hub sharci daro ah balse ay is difaaceen Maleeshiyaadkii taabacsanaa Axmed Daaci taasi oo badisay tirada khasaaraha.

AMISOM ayaa ayaa sheegeysa in intii uu socday dagaalkii saaka ay kusoo qabteen 20-kamid ah Askartii dagaalka kala hortimid sidoo kalena ay la wareegeen Hub ay kamid yihiin 15-qori oo ah kuwa fud fudud iyo Saanad Milatari.

Afhayeen u hadlay Hay’adaha Amniga dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa qorshaha sugida Amniga ee Dowladdu ay wado.

Inkabadan toban qof ayaa ku geeriyooday dagaal saaka Xaaafada Wadajir ku dhaxmaray Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda iyo Maleeshiyo daacad u ah Gudoomiyihii hore ee Wadajir AXmed Daaci.

7-dii August ee aynu soo gudubnay ayey Golaha Wasiirada xukuumadda Somaaliya ay meelmariyayeen qorshaha xakameynta hubka waxaana markaasi kadib soo badanayay talaaboyinka Ciidamada Dowladdu ay hubka uga dhigayaan shaqsiyaadka hubeysan.

Dhanka kale, waxaa manta debadbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday Axmed Daaci iyo C/laahi Sheekh Xasan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banadir.

Dad careysan oo taageersan labadaas siyaasiyiintan ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee xarrunta maamulka degmada Kaaraan, waxaana halkaas dadku ku gubeen taayaro.

Ciidamada booliska ayaa la sheegay iney rasaas ku kala ceyriyeen dadka, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu jiro khasaare dadkaas soo gaaray.