U bood dhigaalka

Dibad bax looga soo hor jeedo RW Cabdiweli oo ka dhacay Baydhabo

Sheeko:War

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dibad bax ballaaran oo ay sameynayaan qaar ka tisan dadka magaalada.

Ujeedka mudaaharaadka ayaa lagu sheegay in lagaga soo hor jeedo booqasho uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tagayo magaaladaasi.

Dadka isku soo baxay ayaa isgoysyada muhiimka ah ku gubayay taayeerada baabuurta iyo walxo kale, iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo ay uga soo hor jeedaan ra’iisal wasaaraha.

Dad waynaha ayaa gebi ahaan xiray wadooyinka soo gala garoonka dayuuradaha Baydhabo, waxa ayna dalbanayaan in uu hir geliyo maamulka koofur galbeed ee ka kooban lixda gobol.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka saddexda gobo lee koofur galbeed.