U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhacay Canada Oo Lagu Dhaleeceeyay Dil loo Geystay Wiil Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Ilaa 500 oo qof ayaa dibadbax ka sameeyay dalka Canada kadib markii halkaas lagu dilay wiil Soomaali ah.

Dadkan oo ka careysnaa dilka ayaa sheegay in arrintan ay salka ku heyso midabtakoor iyo kala sooc dadka dhexdiisa ah.

Cabdiraxmaan Cabdi oo 37 jir ahaa ayaa Isniintii tagtay ku geeriyooday isbitaal kadib markii halkaas la dhigay iyaddoo xaaladiisa ay tahay khatar.

Ninkan waxaa jir dil u geystay Booliiska Ottawa, arrintaas oo aaney wli ka hadlin Booliiska.

Qoyska Cabdi ayaa codsaday in dibad baxa uu u dhaco qaab nabadgalyo ah, iyagoo uga maghadceliyay dadka sida ay ugu muujiyeen isgarab istaag.

Tacsi loo dhigay Cabdi Jimcihii waxaa ka soo qeybgalay ilaa 600 oo ka tirsan dariska qoyska Cabdi iyagoo sheegay sida ay uga xuntihiin dilka loo geystay dilkooda.

Goobjoog News,