U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shacab u badan Kalluumeysato ayaa maanta waxa ay dibadbax ka dhigeen degmada C/casiis illaa taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa ka cabanayey sida ay sheegeen Kawaankii Malayga degmada C/casiis oo laga xirtay, loona sheegay ineysan ku ganacsan karin.

Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxan dhigayey ayaa sheegay in Kawaanka laga iibiyey shaqsiyaad gaar ah, sidaasi darteedna shaqooyinkooda loo hor istaagay.

“Shaqooyinkeenna waa la hor istaagay, waxaa naloo sheegay in aanu geli karin Kawaanka, waa la xiray, Kalluunkii aan soo Jillaabanay Labo cisho doomaha ayuu dul saaran yahay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha.

Arrintan weli kama aanay hadal maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada C/casiis.

Shalay ayey sidan oo kale dadkan u dhigeen dibadbaxan, mana jirto cid arrintooda ka hadashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News