U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Maamulka Cusub Ee Gobalka Gedo Oo Ka Dhacay Degmada Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Dibadbax ay dhigayeen dad badan oo shacab ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, iyadoo looga soo horjeeday maamulka cusub ee dhawaan madaxweynaha Jubbaland usoo magacaabay.

Shacabka ayaa ku qeylinayay erayo ay ku cadeynayaan in marnaba aysan la shaqeyn doonin gudoomiyaha cusub ee Gedo iyo midka Garbahaarey, sababtuna waxay ku sheegeen in iyagu aysan raali ka ahayn, laguna qasabayo.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in iyaga ay doonayaan shaqsiyaad ay keensadeen, misane wax u qaban kara shacabka iyo deegaanka.

Banaanbaxayaasha ayaa socod kusoo maray dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Garbahaarey, iyaga oo ugu dambeyn isugu yimid meel fagaare ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilalka laga qaaday gudoomiyahii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo midka Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa guud ahaan gobalkaasi ka jiray qalqal siyaasadeed, iyadoona maamulka cusub ee lasoo magacaabay aanu weli shaqadii loo dhiibay qaban, arrimo la xiriira muranka jira.

Goobjoog News