U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Dhan Ah Shirka Dib Uga Furmaya Jowhar Oo Maanta Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Dibadbax aad u ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kaas oo ay soo agaasimeen dadweynaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxaan lagu diidanaa ka qeyb galka shirka maamul u sameynta goballada dariska ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dad u badan haween iyo siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay kuwaas oo dibadbaxayaasha kula hadlayay Makroofanno gacmaha ay ku siteen.

Dibadbaxayaashaan ayaa ku qeylinayay doonimeyno shirka Jowhar, dowladda waa inay tixgelisaa codsiga reer Hiiraan.

Siyaasiyiinta iyo haweenkii dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiin duubabka dhaqanka gobalka Hiiraan kuwooda diidan sii socoshada shirka magaalada Jowhar oo dowladdu dhowaan ay sheegtay in bishaan uu furmayo.

Dadkii dibadbaxayay maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa ay socod ku soo mareen waddooyinka magaalada.

Shalay ayay ahayd markii qaar kamid ah ugaasyada gobalka Hiiraan shir ay ku yeesheen magaalada Baladweyne in ay ka sheegeen in aysan doonaynin ka qeybgalidda shirka maamul  u sameynta ee magaalada Jowhar oo wasiirka arrimaha gudaha uu sheegay in uu furmayo shirkaasi.

Goobjoog News