U bood dhigaalka

Dibadbax Ka Socda Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dibadbax ay dhigayaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ayaa haatan waxa uu ka socdaa qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay xirteen dibadbaxyaasha Igosyska Zoobe illaa iyo Laami yaraha Zoobe, waxaana ay diidayaan in halkaasi isticmaalaan gaadiidka.

Darawalladan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxa ay sheegeen in ay ka cabanayaan waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Waxay tilmaameen in caqabado badan ay kala kulmeen xirnaanshiyaha waddooyinka, ayna dibadbaxyada sii wadi doonaan inta waddooyinka laga furayo.

Dibadbaxyadan ayaa daba socda dibaxyo ay maalmahan dhigayeen darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha, iyaga oo cabasho ka ah waddooyinka xiran.

Ma jirto weli jawaab rasmi ah oo ah ka heleen dibadbaxyaada dowladda federaalka, maadaama waddooyinkan ay iyadu xiratay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News