U bood dhigaalka

Dibadbax Lagu Taageerayey Go’aankii Madaxweyne Xasan Uu Xilka Kaga Qaaday Ilka Xanaf Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibadbax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 4-tii bishan xilka kaga qaaday guddoomiyahii Maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf iyo soo dhaweynta guddoomiyaha cusub.

Waxaa dibadbaxan soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeybgalay shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dibadbaxayaasha kula hadlay taallada Daljirka Daahsoon, wuxuuna sheegay in tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan ee dhanka Garsoorka ay tahay tallaab loo baahnaa.

“Waxaan aad iyo aad usoo dhaweyneynaa guddoomiyaha cusub oo aynu leenahay kusoo dhawoow magaalada Muqdisho, waxaan u mahadcelinaynaa guddoomiyahii maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf oo aqbalay go’aankaasi iyo guddoomiyahii maxkamadda racfaanka Wariiri, waxay isku soo bixiina muujineysaa sida loogu baahan yahay cadaallada, hadii aan la helin garsoor xalaal ah cadaalad ma jirayso, sidaa darteed waxaa inoo muhiim ah inaan helno garsoor caddaalad ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 4-tii bishan waxa uu xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ka qaaday Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Goobjoog News