U bood dhigaalka

Dibadbax Looga Horjeedo Hadalka Madaxweynaha Ee Maqaamka Xamar oo Dhacay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta jidadka magaalada Muqdisho qaar ka mid ah isugu soo baxay shacabka badan kuwaas oo ka soo horjeeday in la siyaasadeeyo maqaamka gobolka Banaadir iyo matalaaddiisa siyaasadda ee Aqalka sare, waxaana ay si weyn u dhaliileen hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray, Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana ay dalbanayeen in gobolka Banaadir dadka ku nool ay helaan xaquuqdooda waxaana nasiib darro ay ku tilmaameen in matalaadda gobolka lagu saleeyo hanaanka awood qeybsiga ee 4.5.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar lagu soo qoray hadallo ay ku diidan yihiin sida loo qeybinaayo Sanotorrada aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir oo 7 ah, banaanbaxayaasha ayaana lahaa (BANAADIR DADKEEDA AYAA LAGALA TASHAN) iyo (AFDUUB YEELI MEYNO) iyo Erayo kale, kuwaas oo lagu diidanaa hanaanka beelaha 4.5.

Mid ka mid odeyaasha soo agaasimay bananbaxa oo saxaafadda kula hadlay goobtii dibadbaxa uu ka socday ayaa sheegay in qodobka 9-aad ee dastuurka ee ka hadlayo magaalo madaxda dalka ee Muqdisho oo dastuurka dalka uu leeyahay ( waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u eegista dastuurka waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya) waxaana uu siweyn u dhaliilay ku saleynta maqaamka 4.5

“Waxaan diidan nahay oo aan ka dagaalamaynaa dulmiga iyo hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha oo ahaa in gobolka Banaadir lagu dhaqaayo qoboka 9-aad ee dastuurka, qodobka 9-aad haddii aan lagu dhaqin Jubbaland Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii aan Puntland lagu dhaqin Banaadir laguma dhaqaayo, qodobka 9-aad haddii Galmudug lagu dhaqin Banaadir lagu dhaqimaayo, qodobka 9-aad haddii Koonfur Galbeed lagu dhaqin Banaadir lgu dhaqimaayo, gobolka Banaadir laguma qaadan karo Afduub iyo oday Laaluush lasiiyey dadkiisii waa kuwaan oo shalay difaacday maanta iyaga ayaa difaanayo” ayuu yiri nabadoonka ka hadlay goobka dibadbaxa.

Ciidamo ka tirsan dowaldda ayaa markii dambe soo gaaray goobta dibad baxa uu ka socday iyaga oo xoog ku kala kaxeeyey shacabka iyo saxaafadda, waxaa xusid mudan in maamulka Farmaajo uu saaka soo abaabulay dibadbax ay ilaalinayeen ciidamada dowladda kaas oo dartii loo hakiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka isla markaana dhaqaale xumo Soo gaarsiiyey dadka ku ganacsada jidka Maka Al-mukarma.

Goobjoog News