U bood dhigaalka

Dibadbax Looga Soo Horjeedo Dilal Xalay Ka Dhacay Magaalada Jowhar Oo Ka Socda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha DHexe ayaa ka hadlay dibadbax saaka arroortii hore ka billowday magaaladaasi.

Dibadbaxa oo ah mid cabasho ah oo dadku ay ku muujinayeen inay ka xun yihiin dilal xalay ka dhacay xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayay xaafaddaasi waxaana la gubay taayeero iyagoo dadka dibadbaxaya ay sheegayaan inay ka soo horjeedaan dad ay sheegeen inay ka tirsan yihiin booliska oo dilalkaasi iyo dhaawacaasi xalay ka dhacay xaafaddooda ay ka dambeeyeen.

Guddoomiyaha magaalada Jowhar Cabdulqaadir Cabdulle Maxamed (Buurfuule) oo la hadlay qalabka warbaahinta ee magaaladaasi ayaa ugu horreyn shacabka faray inay isdejiyaan oo ay xaaladda caadi ka dhigaan.

Wuxuu sheegay in falalka dilka ah ee ka dhacay magaalada Jowhar in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda sida rasmiga ah uga dambeysay.

Guddoomiyaha magaalada Jowhar ayaa sheegay in baaritaanka soconaya ay kala kaashanayaan maamulka sare ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jowhar maanta laga helayo ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid yara deggan, islamarkaana ay soconayaan kulamo ay leeyihiin maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgaradka magaalada kuwaas oo looga hadlayo shaqaaqada dhacday sida lagu xalin karayo.

Goobjoog News