U bood dhigaalka

Dibadbax Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Degmada Luuq Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Dibadbax Rabshado watay ayaa maanta ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo, halkaasi oo ka dhashay qasaare dhaawac ah.

Shacab badan ayaa isugu soo baxay degmadaasi, ka dib markii ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan ay is hortaag ku sameeyeen Taliyahii hore ee Ciidanka Booliiska Luuq Diyaad Cabdi Kaliil oo Muqdisho ka tagay.

Shacabkii Banaabaxa waday ayaa jir dil waxa ay kala kulmeen ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ku dhaawacmay dad Haween u badan.

Dadka banaanbaxayay ayaa u badnaa ehlada Taliyaha, waxaana qaarkood dadkani ay sheegeen in meel banaan ah la fariisiiyay Diyaad, isaga oo la tixgelin xilkii uu hayay iyo in uu yahay deegaanka.

Lama oga weli sida ay xaaladda ku dambeyso iyo in ciidamada Itoobiya ay sii daayeen taliye Diyaad Cabdi Kaliil, balse buuqa weli waa uu ka jiraa degmada Luuq.

Goobjoog News