U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Caddaalad Loogu Raadinayo Shukri Cabdi oo Ka Dhacay London Kadib Dilkeedii

Sheeko:Amniga

Dibad-baxyada ka socda London ee lagu diidan yahay cunsuriyadda iyo dilkii askarigii Maraykanka ahaa uu u gaystay George Floyd ayaa waxaa kusoo biiray dad Soomaaliyeed oo iyaguna caddaalad u doonaya Shukri Cabdi oo aheyd gabar yar oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay in ay wabi ku yaalla Manchester ku rideen arday caddaan ah,

Shukri Cabdi ayaa bishii June 2019 waxaa meydkeeda laga helay Webiga Erwel ee magalada Manchester ayaa waxaa la tuhunsan yahay arday cadaan ah oo ay wax isbaranayeen in ay ku tuureen Shukri ayaana aheyd gabar aad u da’yar oo 12 sano jir ah oo kaliya joogtay labo sano ka hor dilkeeda waxaana wadanka Ingiriiska la geeyey 2017-kii

Booliska magaalda ayaa waxaa ay waqtigaas sheegeen in aysan heyn cadeymo muujinayo in gabadha la dilay wixii intaas ka dambeeyey ciidamada ayaa soo xiray gabi’ ahaan kiiska,Shukri, hooyada dhashashay Shukri Zamzam Carab ayaa waxaa ay aaminsan tahay in la dilay gabadheeda sidaas darteed aysan helin cadaaladdii loo baahnaa.

Hooyada ayaa horay waxaa ay u sheegtay in Iskuulka ay u gudbisay cabsi gelin gabdheeda kaga imanaysa arday cadaanka ah, warbaahinta ayaa horay u sheegtay in arday qaar ka mid ah horay loogu arkay falal cunsurinimo ah.

Ikraan Xasan oo ah gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada London oo ka mid dadka u doodayo sidii loo heli lahaa xuquuqdaShukri Cabdi cadaaladna ay u heli lahaayeen qoyskeeda ayaa waxaa ay rumaysan tahay in gabdhaan yar lagu tuuray Webiga Erwel oo la dilay waxaana ay tiri xili ay la hadlaysay laanta afka Soomaaliga ee VOA.

“Arrinta Shukri waa arrin xun oo qalbi jab ah oo hooyo kasta Soomaali ah ay garan karto  inan yar oo wadanka timid 2017-kii oo aan luuqadda garaneynin oo xero cadaan ah la geerey iskuul la geeyey Xijaabkii saaran yahay oo rabto iney Ingriiska barato oo ka timid wadan burbursan oo wadanka ay u timid in ay in mustaqbal ay sameysato luuqadda ay barato oo dadka ay soo dhex gasho, inanta sedex ayaa isku galay in ay tahay inan aan luuqadda aqoon, ay Xijaaban tahay iyo in ay Madow tahay inanta waa iska cadahay inanta waa la cunsuriyey”ayey VOA u sheeftay Ikraan Xasan.

Dad badan oo Soomaaliya oo ku nool wadan Ingiriiska ayaa rumeysan in Booliska aysan baaris qoto dheer aysan ku sameynin dhacdooyinka lagula kaco dadka laga tirada badan yahay oo ay ugu dambeysay dhacdadaan lagu dilay Shukri Cabdi, Ikraan ayaana ku doodeysa in Booliska wadanka Ingiriiska ay cunsuriyiin sida ay sharaxeyso mar kale.

“Boolisku waa cunsuri sababtoo ah inanta madow dhacdada ku dhacday waxbey kama qaban markii la isku kacay ayey leeyihiin wax ayaan qabaneynaa, hooyadii maalin kasta iskuulka tageysay dacwadeeda waxba lagama qaban, Soomaaliyeey kaca oo gacmaha isqabsada oo iska celiya arrintaan wax halaga qabto” ayey markale tiri Ikraan Xasan.

Dibadbaxyada lagu difaacayo nolosha dadka madow ayaa wixii ka dambeeyey dilkii George Floyd ayaa markale waxaa ay rajo galiyeen qoyska gabadhaan yar oo 12 jirka ah oo wadanka Ingriiska timid iyada oo qaxooti ah sandkii 2017kii, Catib Malik oo ah Qareenka u doodayo kiiska gabadhaan ayaa VOA-da u sheegay in kiiska dib loo furayo maalmaha soo aadan, duqa magaalada Manchester Unit Banham, ayaa dalbaday baaritaan qoto dheer  la sameeyo.

Goobjoog News