U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka Bilowday Magaalooyin Kamid Ah Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Dibadbaxyo xooggan ayaa lagu soo waramayaa iney goor dhow ka bilowday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, gaar ahaan meelaha ay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiga mucaaradka dalkaasi ee NASA.

Taageerayaashan  ayaa waddooyinka waaweyn ku gubaya taayerada gaadiidka, waxaana sidoo kale ay dhagxeynayaan ciidamada ammaanka iyo xarumaha ganacsiga.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa wada dedaal ay ku doonayaan iney ku xalliyaan xiisaddan jirta, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamo badan ay ku baxeen dadka dibabaxaya.

Waxaa laga baqayaa in dibadbaxyadan ay saameeyaan magaalooyin ay kamid tahay Nairobi, iyadoo weli aan lasoo sheegin wax khasaare.

Saakay waxay shacabka Kenya u dareereen doorashada ku celiska ah, walow hogaamiyaha NASA, Ra’ila Odinga uu sheegay inaanu doorashada ka qeybgaleen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News