U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Dowladda Maraykanka Oo Ka Socda Gobollada Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya inay ka soconayaan dibadyaxyo ay ka qeyb galayeen haween iyo dhallinyaro ku qeylinaya doonimayno Maraykanka.

Dibadbaxyadaani oo looga soo horjeedo weerarkii dowladda Maraykanka ay ka geysatay degaanka Jeexdin ee duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka socdaan Cadaado iyo Gaalkacyo.

Gaalkacyo, dibadbaxaani oo daba socda kuwii maalmihii al soo dhaafay halkaas ka dhacayay ayaa waxaa soo agaasimay culumada gobolka Mudug oo muujinaya dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin weerarka ay ku sheegeen inuu ahaa gardarro qaawan oo Maraykanka uu ku soo qaaday reer Galmudug.

Dadweyne kale oo careysan oo u badan haween iyo dhallinyaro ayaana culumada ku wehlinaya dibadbaxooda cabashada ay uga yihiin jiritaanka dowladda Maraykanka.

Dhanka kale, dibadbax weyn oo ay dhigayaan dadweyne careysan ayaa isna maanta ka socda magaalada Cadaado ee xarunta dowladda Galmudug.

Dibadbaxani ayaa looga soo horjeedaa dowladda Maraykanka islamarkaana dadka waxay codsanayaan in baaritaan sax ah lagu sameeyo duqeyntaasi.

Dadka dibadbaxaya ayaa ku qeylinaya Maraykanka wuxuu laayay wiilasheenna waxaan ka rabnaa inuu degdeg uga jawaabbo sababta uu Galmudug ugu calaamadeeyay Alshabaab.

Wixii Ka Soo Kordha Dib Kala Soco

Goobjoog News