U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Somaliland Oo Ka Dhacay Degmada Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Shacab badan ayaa isugu soo baxay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer kuwaasi oo halkaa ka dhigay dibadbax ay ku diidan yihiin maamulka Somaliland.

Dibadbaxani ayeey dadku ku muujinayeen sida ay ku diidan yihiin maamulka Somaliland iyaga oo ugu baaqay maamulkaasi in ay ka tagaan dhammaan deegaanada ay sheegeen shacabkaasi in xoogga lagu qabsaday.

Degmada Buuhoodle ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan kana dhan ah maamulka Somaliland, taasi oo ay wadaan ciidan halkaasi ku sugan oo la sheegayo inay taageersan yihiin Puntland iyo Khaatumo.

Ciidamada Somaliland ayaa maalmo kahor waxay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Ceelcadde oo gobalkaasi ka tirsan taasi oo xiisadda sii kicisay.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Afweyne oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dhaq dhaqaaqa ka wada degmada Buuhoodle ayaa u sheegay Goobjoog News in ulajeedkoodu tahay sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah meeshana looga saari lahaa Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay sarkaalkani in shacabka ku dhaqan degmada Buuhoodle iyo deegaanada kale ee goballadaasi aanay dooneyn maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay maamul Soomaali iska saaray.

Goobjoog News