U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ka Socda Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka soconayaan dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan shacab aad u badan.

Dadka ayaa ka banaanbaxaya saameyn ay sheegeen iney ku yeelatay xernaanshiyaha maalmahan dambe ee dekadda Boosaaso, kadib markii dekaddaasi lagu wareejiyey shirkad ajnabi ah.

Meelaha qaar dadka dibadbaxyaasha ayaa la sheegayaa iney fowdo ka sameynayaan, iyadoo ciidamada ammaanka ay isku dayayaan iney dadka dejiyaan.

Dhanka kale, waxaa magaalada Boosaaso ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin waxgaradka iyo ganacsatada, waxaana ay kaga hadlayaan xirnaanshiyaha dekadda Boosaaso.

Bartamihii October 2017, shirkadda DP World ayaa si rasmi ah ula wareegtay dekadda Boosaaso, kadib heshiis ay la galeen maamulka Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News