U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dagaal beeleedka ka socda duleedka magaaladaasi.

Dibadbaxan oo ay dhigayeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, iyaga oo dalbaday in si shuruud la aana lagu joojiyo dagaalkaasi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa maamulka Jubbaland iyo iyo waxgaradka maamulkaasi ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii loo damin lahaa colaada ka aloosan duleedka Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalameen dad walaala ah.

Wararka laga helayo dagaal beeleedkaas ayaa waxa ay xaqiijinayaan in dad kor u dhaafaya 30 qof ay dagaalkaasi ku nafwaayeen, waxaana iminka isi soo taraya baaqyada loo jeedinayo dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso.

Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka.

Goobjoog News