U bood dhigaalka

Dibadbaxyo Ruxay Dalka Venezuela

Sheeko:Dalka

Wadanka Venezuela waxaa ka sii socda  iska horumaadyo u dhaxeeya ciidamada booliska iyo dibadbaxyaal taasi oo keentay inuu dhinto mid ka mida dadkii dibad baxyada dhigayay.

Dibad baxyada ayaa inta badan waxay ka socdaan magaalooyin kala duwan ee ka tirsan waddanka Venezuela, dadka ayaa waxey ku tuurayaan xarumaha dowladda dhagaxaan iyo dhalooyinka wax guba.

Venezuela ayaa waxey goob joog u noqotay muddo Bil ah dibadbaxyo xiriir kuwaas oo ay dhigayaan dadka shacabka ah.

Dibad baxyadaan  waxaana looga soo horjeedaa madaxweynaha dalkaasi  Nicolás Maduro isagoo xilka kala wareegay madaxweynihii hore ee dalkaa oo geeriyooday sanadkii 2013 waxaana lagu magacaabi jiray Hugo Chávez.

Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa waxa uu doonayaa inaysan dhicin doorashada ka dhaceysa waddankaasi sanadka 2018 da, arinkaasi ayaa caro ku beeray shacabka.

Goobjoog News