U bood dhigaalka

Diblumasi Soomaaliyeed oo Ka hadlay Qaabka Ugu Habboon ee Looga Badbaadi karo Farogelinta Dowladaha Dariska ah

Sheeko:War

Diblumasi Maxamed Maxamuud Nuur oo la hadlay goobjoog ayaa  sheegay in faragelinta shisheeye ee Soomaaliya looga badbaadi karo, kalsooni dhanka Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka dhex marta.

Diblumaasi Maxamed ayaa  tilmaamay in wada shaqeyn dhex marta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka ay meesha ka saareyso faragelinta shisheeye ee dowladaha dariska ah.

diblumaasigu markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay khudbaddii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay caleemo saarkiisa iyo qodobadii uu ka hadlay qaarkood, gaar ahaan wadamada dariska ah iyo magaalada Gaalkacyo:

“Madaxweynuhu waxbadan buu ka hadlay, arrinta faragelintuna waa wax jira,  si toos ah oo fiican wuu u hadlay, waxaan rajeynayaa in madaxweyne Farmaajo uu la soo baxo diblumaasiyad aan caro badan gelin, maadama wadamada dariska ah farriinta uu u dirayay u baahan tahay, shacab badan baa ku nool wadamada dariska ah, dagaal qabaa’illo ayaa ka dhaca, dadbadan oo qaxooti ah ayaa ku nool, Gaalkacayana waa magaalo Labo qabaa’il qeybisa, Labadan arrimoodba waxaa loo baahan yahay inuu dulqaad inuu muujiyo”.

Waxa uu ka hadlay sida ugu habboon ee looga hortagi karo faragelinta shisheeye ee dalka iyo iney isku duubnidu tahay hubka kaliya ee looga hortagi karo faragelinta shisheeye:

“Madaxweynuhu waa inuu marka hore kalsooni ka helaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulgoboleedyada iyo dadka waxgaradka ah, markaas faragelintu wey yaraaneysaa, laakiin haddii Soomaali kala qeybsanaato markaa waxay noqoneysaa in aan is lug goyneynno”.

Si kastaba, waxaa wax la iska weydiinayaa waxa iska bedeli doona habdhaqankii siyaasadeed ee dowlad goboleedyada dalka oo si u kala dheerayn ah xiriir gaar ah uga sameystay wadamada dariska ah iyago aan lala socodsiin dowladda dhexe marar badan u duuli jiray wadamada dariska ah, taas aan la ogaan jirin sababta iyo waxay kala soo kulmaan safarradooda.

Gobojoog News