U bood dhigaalka

Digniin Ay Xukuumadda u Dirtay Mas’uuliyiin Isticmaasha Gaadiidka Militariga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga digtay masuliyintii hore ee dawladda Soomaaliya  in ay isticmaalaan Gadiid ciidamada melatariga Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta xukumadda Soomaaliya EN. Cabdiraxmaan Yarisow, ayaa sheegay in caqabad tagan ay tahay in gadidka ciidamada ay wadataan shaqsiyaad gaar ah.
Wasiirka ayaa intaasi raaciyay inay jiraan shaqsiyaad dawladda ka mid ahaa oo si gaar ah u heesta gadiid ciidamada xooga oo baahi looqabo in dalka loogu adeego.
Wasaarada gadhandhiga federaalka ee Soomaaliya oo dhowaan soo sartay Daraasad lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda, ayaa waxaa ka mid ahaa in gaadiidka ciidanka ku jiro gacan kale.
Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga.
Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono.

Goobjoog News