U bood dhigaalka

Digniin: Dabeylo Kusoo Fool Leh Xeebaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka ayaa ka digtay dalbeyso saacadaha soo socda ku fooleh xeebaha koonfurta Soomaaliyda sida Magaalooyinka Af-madoow, Kismaayo, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo Degmooyin kale.

Qoraalka waa sidan:

Dabeyshan oo ka soo bilaabatay jihada koofureed ee gobalka jubbada hoose kuna socota xawaare u dhexeeya 30-45 KM/h ayaa ku waajahan jihada woqooyi bari ee dalka waxeyna ku socotaa dhinaca dhulka dhaca xeebta ee u dhexeeya labada jiho.

Saameynta dabeysha xagaaga ayey la saadaalinayaa in ay bilaabanto saacadaha soo socda iyadoo halista ugu bandanna ay
waajahayaan degmooyinka kala ah Kismaayo, Af-madoow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo degaanno kale oo kamid ah dalka.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in ay dabeylahani sababaan bur bur hantiyeed sida guryaha deggaannada xeebta ah iyo doonyaha kalluumeysatada, sidaas darted, Xarunta Qaran ee ka Digista Halis-wadareedka waxey bulshooyinka ku nool deegaannada kor ku xusuan ee dalka ugu baaqeysaa in ay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara dabeeylahaas Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan dhulka xeebaha.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar
garoobaan xaaladaan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada
barriga ah.
Dabeeyluhu xilliyada Xagaaga ah hore weey u dhici jireen laakiin waxaad mooddaa sanadkan in ay ka sii
xoogeeysanayaan sidii hore, taasina waxay inoo muujineeysaa in ay khatarta halista dabeeyshu ku soo badaneeyso
dalka.
Xarunta waxey si dhaw ula socotaa xaaladda dabeysha waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda.