U bood dhigaalka

Digniin laga bixiyay in dalka ay soo galaan ciidamo qaba cudurka Ebola (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddiga xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka digayaan in dalka la keeno ciidamo qaba xannuunka Ebola oo qatar ba’an ku haya wadamo badan oo caalamka ah.

Guddoomiye ku xigeenka guddigaasi xildhibaan Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay inay walaac ka qabaan arrinta la xariirta cudurka Ebola oo ciidamada AMISOM laga baqanayo inay u soo gudbiyaan Soomaaliya.

Waxa uu u jeediyay Saraakiisha ugu sarreysa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dowladda Federaalka in ay ka digtoonaadaan Askari qaba Ebola oo Soomaaliya la keeno.

Dhinaca kale, waxa uu carrabaabay in taliska AMISOM ay ka sugayaan jawaabo la xariira eedeymo loo jeediyay ciidamadooda oo ku aadan in ay kufsadeen haween Soomaaliyeed taa oo aan ku jirin sharciyada ay uga shaqeynayaan dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Xildhibaanka.

Goobjoog News