U bood dhigaalka

Digniin Laga Bixiyey Abaar Mar Kale Ku Dhufato Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’d lagu magacaabo Act Alliance una doodda xuquuqda arrimaha bini;aadannimada ayaa ka digtey abaar mar kale ku dhufato Soomaaliya.

Waxa ay hay’adda sheegtay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, haddii aan la helinna xilli walbo la filan karo abaar.

Act ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ay Soomaaliya ahayn kuwo ku filan dadka xoolo dhaqata iyo beeraleyda ah, sidaasi darteedna sidii dhacday sanado horeba abaar la filan karo.

Hay’adaha gurmadka ayeey ugu baaqday iney Labo jibbaaraan gurmadka ay geeyaan Soomaaliya si looga hortago qataraha imaan kara.

Goobjoog News