U bood dhigaalka

Digniin Laga Soo Saaray Dagaal Mar Kale Ka Dhaca Tukaraq

Sheeko:Amniga

Hay’adda ka faaloota xasaradaha caalamiga ayaa soo saartay digniin ku aadan dagaal mar kale ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmara deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Warbixin ay soo saartay ICG ayaa lagu sheegay in mar walbo Labada dhinac u nugul yihiin dagaallo ka dhaca Tukaraq, islamarkaana ay ciidamo badan kala geeyeen deegaannada ku dhow deegaankaasi.

Waxay hay’addan sheegtay in lagu guul darreystay dedaallo badan oo la sameeyey, islamarkaana madaxda Labada dhinac ay sare u qaadeen hadalladooda dhanka dagaallada ku aadan.

ICG ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay iney dib usoo cusbooneysiiso dedaalkeedii waan waanta ahaa, sidoo kalena waxaa baaq kaa la mid ah loo diray dowladaha Itoobiya, Imaaraadka iyo kuwa deeqaha bixiya.

Waxay ICG sheegtay in Labada maamul aysan dan ugu jirin dagaalladan, islamarkaana dhanka Puntland ay keeni karto xaalad Bini’aadannimo, dhanka Somaliland ay ku weyn karto sumcaddii ay ku lahayd dalalka dibadda ah.

Ugu dambeyn, ICG ayaa sheegtay in dagaal ka dhaca deegaanka Tukaraq looga baaqan karo oo kaliya iyadoo ay si rasmi ah xallinta arrintan u wada galaan dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa imaaneysa xilli weli aanu jirin xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, islamarkaana weli ay muuqanayso xiisad Labada dhinac u dhaxeysa.

Goobjoog News