U bood dhigaalka

Digniin Loo Diray Darawallada Gaadiidka Ee Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin u diray darwallada gaadiidka ee ka shaqeeya magaaladaasi, gaar ahaan dhanka uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug C/waaxid Cabdulle Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa darwallada uga digey in shacabka ay barakiciyaan, islamarkaana ay qalqal ka abuuraan magaalada.

Wuxuu sheegay iney jiraan darwallo iyaga afkooda dhibaato ku abuura, islamarkaana shacabka gaarsiiya heer ay ka cararaan gurigooda oo nabad ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Darwallada waxaan u sheegayaa in magaaladan ay nabad tahay, ciddii lagu arko iyadoo shacabka barakicineysa tallaab adag oo sharciga waafaqsan baa laga qaadi doonaa” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in Gaalkacyo aaney ka jirin wax colaad ama dagaal ah, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool dhanka Puntland ineysan barakicin oo guryahooda joogaan.

Gaalkacyo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana jira shacab billaabey iney guryahooda ka barakacaan.

Goobjoog News