U bood dhigaalka

K/galbeed: Digniin Loo Diray Waxgaradkii Soo Xulay Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka gaarka ah ee maamulka K/galbeed ayaa u digay waxgaradka ku sugan magaalada Baydhabo ee soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Korneel Mahad C/raxmaan Aadan, taliyaha ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aan dhanka amniga ah laga soo saaray waxgaradkii ay u yeereen Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin qof ka baxa Baydhabo islamarkaana u taga Al-shabaab isaga oo cafis raadinaya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciddii falkaasi sameysay u aqoonsan doonaan Al-shabaab, islamarkaana ciqaab ay muteysan karto.

“Shabaab waxay u yeereen ergooyinkii oo ay leeyihiin imaada, waxay leeyihiin waa la idin cafinayaa, waxay rabaan iney dadka dhaqaale ka qaataan, ama ay ka qaadaan qori iyo rasaastiisa, dadna weydiideen, dadna wey ogolaadeen, kuwii ogolaaday waa shabaab, adiga oo jooga Baydhabo oo nabad qaba ayaa Baadiyo waxaa kaaga yeeray niman burcad ah oo aadday, Al-shabaab baad tahay, magaalada Baydhabana kuma soo noqoneysid” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab ayaa dhowaan muddo u qabtay waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka, si ay u tagaan deegaannada ay iyaga maamulaan, islamarkaana cafis u dalbadaan.

Goobjoog News