U bood dhigaalka

Digniin Loo Direy Rag Habeenkii Furfurta Nalalka Ku Shaqeeya Cadceedda, Maagalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Cali Xuseen Cabdulle oo ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu ka digey burburin uu sheegay in xilligaan lagu wado nalalka ku shaqeeya cadceedda ee ku suran magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Cali, in xilliyada habeenkii saq dhexe la bilaabay in nalalka ku shaqeeya Cadceedda lagala baxo qalabkii ay ku shaqeynayeen sida Batariga ama la furto Soolarka.

Maamulka Gaalkacyo, hay’adaha ammaanka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi ayuu sheegay in waajib uu ka saaran yahay iney la dagaallamaan cid walbo oo damineysa nalalkaasi.

“Nalalkan ku shaqeeya Cadceedda si sahal laguma keenin, dadaal badan baa la geliyey, hase ahaatee waxaa maalmahan dambe soo baxayey in habeenkii saqdhex nalkii dhanba la furto, kuwo badan baa maqan, illaa hadana uma jeedno cid wax ka qabatay, waxaan ka rabnaa maamulka in arrintaasi tallaab adag ka qaado, waxay ka dhigan tahay midane in mugdi laga dhigo Gaalkacyo” ayuu yiri Cali Xuseen.

Maamulka magaalada Gaalkacyo weli kama aanu hadal falalkaan kusoo noqnoqday magaaladaasi, iyadoo weli aaney jirin cid ay usoo qabteen arrintaasi.