U bood dhigaalka

Diinsoor: Khasaare Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federalka ah iyo xoogagga ka tirsan Al-shabab ayaa ku dagaalamay deegaanka Diinsoor ee gobolka Bay, kadib dagaal ka dhacay sabtidii galabtii dambe.

Dagaalka oo bilow kadib salaadii casir waxaana uu soo gaaray ilaa gabal dhicii waxaana laba dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kaladuwan, Al-shabaab ayaa baahiyey dhankooda in ay dileen 10 sakari, wallow maamulka degmadu ay waxba kama jiraan ku tilmaameen sheegashada ku aadan.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdisalam Xaaji Siidow, oo la hadlay laanta VOA-da waxaana uu sheegay in ciidamada dowladdu ay ka warheleen wareerka, ayna uga hortageen banaanka xoogagii dagaalka soo qaaday, waxaana uu qiray geerida laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, oo ku geeriyooday dagaalka.

“10 saac ayey xabaddu nagu bilaabatay ilaa 12-ka saac ayey soo gaartay guulo badan ayaan ka gaarnay, ciidanka ayaa ka war helay, waxaana noo soo sheegay dadka Tuulooyinka degan iyaga oo Yuudhiiyo soo wataan, markaan ka warhelnay waxaan u samaynay jidgooyo, Janadii Fardowso allah geeyo laba wiil ayaa naga dhimatay laba kalena waa ay naga dhaawacantay, iyagana waxaa wali yaalla dhimashadooda iyo dhaawacooda, meel kasta ay joogaan waa naloo soo sheegi doona.

Xaaladda guud ee magaalada Diinsoor ee gobolka Bay waxaana caadi kusoo laabtay isku socdka dadka iyo ganacsiga magaalada, degmada Diinsoor ayaa ka baxday gacanta Al-shabaab 24-kii July sanadkii 2015, xiligaas oo ciidamada dowladdu ay la wareegeen degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Goobjoog News