U bood dhigaalka

Diiwaan Gelinta Cod Bixiyeyaasha Doorashada Somaliland Oo La Hakiyey

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta isugu yimaadeen hoggaanka Seddaxda xisbi siyaasadeed ee Wadani, UCID, Kulmiye, Shir guddoonka Labada gole Baarlamaan ee Somaliland iyo  mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka ayaa ka shiray dalab ka yimid Madaxweynaha Somaliland kaasi oo ah is waafajinta diiwaan gelinta doorashooyinka iyo abaaraha ka jira deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxaa la isku racay in muddo Bil ah dib loo dhigo is diiwaan gelinta maadaama ay aad u adag tahay xaaladda shacab badan oo abaaro ku habsadeen.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay mas’uuliyiintii kulansaneyd qaarkood.

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ugu horeen saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la’isla qaatay in diiwaan gelinta ay billaabato bisha May halkii ay ka billaaban lahayd bisha April ee soo nasoo aadan.

Waxa uu tilmaamay in markii ay ka jeestaan abaarta ay u jiheysan doonaan dhanka diiwaan gelinta maadaama aanay habooneen in xilligaan wax la diiwaan geliyo iyadoo dadka ay baahi u dhimanayaan.

Guuddomiyaha xisbiga mucaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aqbaleen soo jeedintii Madaxweyne Siilaanyo ee ahayd in dib loo dhigo diiwaangelinta, islamarkaana marka hore la wajihi doono wax ka qabashada abaaraha.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobollada Waqooyi ee dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, sidoo kalena waxay abaartani ka jirtaa goballada Koonfurta iyo Bartamaha dalka qaarkood.

Goobjoog News