U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Dooraashada Somaliland Oo Ka Billaabatay Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Sanaag waxaa ka billowday diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, iyadoo gobolkaasi ay tageen guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi.

Degmooyinka kala ah Dhahar, Badhan iyo deegaanno kale oo aanay markii hore gaari jirin doorashada Somaliland ayaa sanadkaan la gaarsiiyey.

Dadka ayaa billaabay in ay qeyb ka qaataan is diiwaangelintaan, waxaana deegaannada diiwaangelinta ka socota la geeyay ciidamo Somaliland ah oo qaarkood laga keenay dhanka aagga degmada Buuahoodle oo difaacyo kaga jireen.

In ka badan 200 oo xarun ayaa dadkan laga diiwaangelinayaa, inkastoo meelaha qaar aanay jirin dad iska diiwaangeliyey maadaama dadka ku dhaqan deegaannadaasi aanay aqoonsaneen maamulka Somaliland.

Maamulka Puntland dhawaan waxa uu sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland kana digtay dagaallo halkaasi ka dhaca.

Goobjoog News