U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Musharraxiinta Madaxweynaha Oo Maanta Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya 4-ta sano ee soo aadan.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in musharraxii ugu horreeyey ee is diiwaangeliyey uu yahay Shariif Sheekh Axmed, waxaana musharraxan uu bixiyey lacagihii laga doonayey musharraxiinta isaga oo qaatey Shahaadadii caddeyneysay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Musharraxiinta kale ee iyaguna daneynaya iney ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha dalka ayaa la filayaa sidan oo kale iney isku diiwaangeliyaan.

29-ka bishan ayeey ku egtahay diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeen kale

Goobjoog News