U bood dhigaalka

Diiwaanka Dhacdooyinka 2014 ee Dowladda Federaalka

Sheeko:Caalamka

Madaxweyne XasanShan maalmood oo kaliya ayaa laga joogaa markii uu na macsalaameeyey sanadkii 2014-ta oo Soomaaliya u ahaa mid ay xariiqmeen taariikho badan kuwaasi oo qaarkood reebey raadad aanan tirmeynin in la noolyahay.

Iyada oo dhacdooyinka sanad kasta iyo markasta dhaca, saxaafaduna tabiso ay yihiin taariikh iskeed u qormeysa ayaa hadane waxaa markasta micno samaynaya uruurinta iyo keydinta wixii dhacay hal xili, si markaasina dib loogu milicsan karo mustaqbalka.

Inkasta oo taariikhada dhacay aysan ahayn kuwa dib usoo laabanaya, hadane waa kuwa mar kasta saameeya go’aanqaadashada dowladaha, shirkadaha iyo waliba shaqsiyaadka, sidaasi darteed ayaa hawl badan oo aan galiney uruurinta iyo keydinta iyo waliba kala xulashada dhacdooyinka waxaan idinla wadaagaynaa qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkii 2014-tii ee tagay.

Qoraalkani waxaan si gaar ah ugu eegeynaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee ku saabsan dowladda Federaalka Soomaaliya amaba ka dhacay inta ay dalka ka maamusho ee aysan ka dhisneyn maamul goboleedyada.

Waxay isugu jiraan dhacdooyin siyaasadeed, dambiyo iyo waliba kuwa kale oo leh muhiimad qaran.

  1. January 1, 2014: Ugu yaraan Shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.
  2. Janaayo 6, 2014: Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ku geeriyoodey -AHN- Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise oo kamid ahaa kuwa ugu caansan qalinleyda Soomaaliyeed.
  3. Janaayo 15, 2014:Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dalka Faransiiska u joogi doona Soomaaliya, Remi Marechaux.
  4. Janaayo 16, 2014: Ra’isul Wasaare Cabdiwali oo Xukuumadda dhisay, kadib wadatashi ballaaran uu la sameeyay madaxda sare ee dowladda, Golaha Wasiirrada ee uu soo magacaabay Ra’isulwasaaraha ayaa ka koobnaa 25Wasiir, 25 Wasiir Ku xigeen iyo Shan Wasiiru-dowlayaal.
  5. Janaayo 21, 2014: Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
  6. Janaayo 22, 2014: Wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.
  7. Janaayo 23, 2014: Golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen xeer hoosaadka ay ku shaqeynayaan iyo sidii ay xilalka ula wareegi lahaayeen.
  8. Janaayo 31, 2014:Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku geeriyooday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.
  9. Feberaayo 6, 2014: Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka jartay Muqdisho iyo Soomaaliya adeeggii Internet-ka taleefoonka, kaddib go’aan horay uga soo baxay Al-shabaab, kaasoo ahaa in la joojiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadaasi ka xumaatay, kuna tilmaamtay mid aanan wanaagsanayn.
  10. Feberaayo 9, 2014: Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya  Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu sababo caaafimaad u aaday dalka Turkiga iyo in maalmo la joogi doono Qoyskiisa oo halkaa degan.
  11. Feberaayo 13, 2014: Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cusmaan, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab iyo askar isugu jira.
  12. Feberaayo 15, 2014: Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu dhex toogtay mid ka mid ah gaadiidka kuwa dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka, kaasoo marayay meel ku dhow ex-koontarool Balcad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo kooxihii dilka geystay ay markiiba baxsadeen.
  13. Feberaayo 15, 2014: Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cuno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogo Soomaaliya cuno-qabateynta hubka ee sannadkii hore laga qafiifiyay, kaddib markii ay soo shaac baxday in dowladda Soomaaliya ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab.
  14. Feberaayo 21, 2014:Ugu yaraan 11-qof oo kooxihii weerarka qaaday iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku jiraan ayaa ku dhintay weerarro isugu jiray ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadday madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo 20-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah: agaasimihii guud ee xafiiska ra’iil wasaaraha Soomaaliya, Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case).
  15. Feberaayo 25, 2014: Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland, Domanic kaasi oo sidoo kale madaxweynaha soo gaarsiiyay fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.
  16. Feberaayo 27, 2014: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loogu magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
  17. Feberaayo 28, 2014:Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiraxmaan Duale Beyle ayaa ka ambabaxay caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayey Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
  18. Maarso 10, 2014: Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamed Suleymaan Tubeec oo ahaa boqorkii codka ee fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa maalintaas ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo uu muddo ugu jiray xanuun soo wajahay.
  19. Maarso 13, 2014:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka 25-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD.
  20. Maarso 16, 2014:Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec (boqorkii codka) oo toddobaad ka hor ku geeriyooday Jarmalka ayaa aas qaran loogu sameeyay Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.Cabdiwali ayaa habeenkaas kulan casho sharaf u sameeyay Hobolada Waabari, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa xubno isugu jirey: hooballo, Abwaano, muusikiistayaal iyo mulaxamiistayaal. Fannaanadda Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, Fannaanka Maxamed Xuseen Lafoole oo isna ku noolaa waayahan magaalada Muqdisho, fannaanka Siciid Da’uud Cali Masxaf, Abwaan Maxamed Xasan Barrow, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Majaajiliiste Cabdi Maxamed Ilka-case iyo xubno kale ayaa kulanka kasoo qayb galay
  21. Maarso 21, 2014:Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Shariif Saalax Maxamed Cali oo ka mid ahaa qorayaashii afka Soomaaliga.
  22. Maarso 26, 2014:Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalay shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD.
  23. Maarso 30, 2014:Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane ayaa hor-tagay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sharraxaad ka bixiyay habka ay u soo diyaariyeen miisaaniyadda sannadkan 2014, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in miisaaniyadda dalka lagu diyaariyo shilling Soomaaliga oo aan loo baahnayn doollarka. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in miisaaniyaddii sannadkii hore ee xukuumaddii saacid ay soo diyaarisay ay ahayd 117-milyan oo doollar, balse miisaaniyadda sannadkan ay tahay 218-milyan oo doollar, isagoo xusay in howlo aad uga badan howlihii hore la doonayo in sannadkan xukuumaddu qabato.
  24. April 01, 2014: Ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa Muqdisho kula kulmay xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub).
  25. April 4, 2014: Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Belgium-ka kana mid ah madaxda ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa xariga ka jaray safaaradda Soomaaliya ee dalka Beligum oo dhawaanahan uu ka socday dayactir.
  26. 9 illaa 18-ka April 2014:dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxooti ah oo si qasab ah looga soo musaafurisay dalka Kenya, Diyaaradda hore waxay waday 82 tan dambe 91 qof. Dowladda ayaa soo dhaweysay.
  27. April 15, 2014:Wasiirka arrimaha Afrika ee Britain, Mark Simmons ayaaMuqdisho ku yimid booqasho, isagoo kula kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda.
  28. April 21, 2014:Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray, iyadoo uu ku dhaawacmay qaraxan xildhibaan kale oo lagu magacaabo, Maxamuud Cali Dhuux iyo laba qof oo rayid ah.
  29. April 22, 2014: Maxamed Cumar Maxamed (Camaar) oo ka howlgali jiray idaacadda Dalsan oo Muqdishu lagu dilay.
  30. April 22, 2014: Xildhibaan kale oo lagu magacaabi jiray, C/casiis Isaaq Mursal (Afar-indhood) ayaa isla maalintaas lagu dilay Muqdishu, waa xildhibaankii labaad ee Muqdishu lagu dilo muddo24-saac gudahood ah.
  31. April 22, 2014: Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
  32. April 24, 2014: Guddoomiyihii degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) ayaa wareejiyay xilka guddoomiyaha degmada, isagoo si rasmi ah ugu wareejiyay xilkaas guddoomiyaha cusub ee degmadaas loo magacaabay, Axmed Cabdulle Afrax.
  33. April 23, 2014:Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay xiritaankii shirweynaha amniga oo Muqdisho ka socday muddo afar maalmood ah; kaasoo lagu casuumay ergooyin matalayay dowlad-goboleedyada, maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, aqoon-yahanno ka yimid dalka dibaddiisa iyo khubaro dhinaca amniga ah.
  34. April 23, 2014:C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, wasiirka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka gaadiidka, dajiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wakiilka hay’adda TIKA iyo maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde ayaa dhagax-dhigay dugsiga tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
  35. April 26, 2014: Gabar Soomaaliyeed oo uur leh ayaa kasoo dhacday dabaqa saddexaad dhisme ku yaalla xaafada Islii ee Nairobi iyadoo isku dayaysay inay ka dhuumato ciidamada booliska Kenya oo saqdii dhexe ee habeenkaas u garaacay guriga.
  36. May 3, 2014: Ugu yaraan 10-qof oo uu ka mid yahay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan, askar ilaalo u ahayd iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.
  37. May 03, 2014:C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa hortagay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xildhibaannada u sharraxay qorshe-howleedka sannadkan ee xukuumaddiisa.Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aansatay inay diiradda saarto sannadkan 2014-ka arrimaha ay ka mid yihiin: in Soomaaliya la gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah. In miisaaniyadda dowladda lagu fuliyo howlaha horyaalla xukuumadda iyo in xoogga la saaro hawlaha waafaqsan is-tiraatijiyadaha hadda jira, waqti ahaan iyo awood ahaanna la meel Marin karo.
  1. May 07, 2014:Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku meel-mariyay kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho miisaaniyad-sannadkeedka 2014-ka ee ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.
  2. May 19, 2014: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada loo magacaabay, Col. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.
  3. May 24, 2014: Waxaa iscasilay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.
  4. May 27, 2014: Saadettin Dongan oo ahaa sarkaal dhinaca ammaanka u qaabilsan shirkadda Turkish Airlines ayaa lagu dilay Muqdishu.
  5. June 07, 2014: Sheekh Maxamed Siciid Atam oo hoggaaminayay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Buuraha Galgal ee Puntland ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
  6. June 12, 2014:Ra’iisul wasaaraha Somaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa furay shirkii saddexaad ee Higsiga Cusub ( New Deal) kaasoo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, qaar ka mid ah safiirrada beesha caalamka, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay.
  7. June 18, 2014:Hal qof ayaa ku geeriyooday, siddeed qofna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax ka dhacay gudaha isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.
  8. June 21, 2014: Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.
  9. July 11, 2014: Shir Jara’id uu wasiirka warfafainta ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku sheegay in gorfeeyn dheer kadib Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu u magacaabay wasiirka amiga qaranka Khaliif Maxamed Ireg.
  10. July 11, 2014: War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu xilka ka qaaday agaasimihii madaxtooyada Taabit Axmed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cali Cumar (Cali Balcad).
  11. Luuliyo 11, 2014: Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa loo magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisanaya dalka Marekanka,.
  12. Luuliyo 15, 2014: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa 23-sano kadib ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjirenimo danjiraha cusub ee dowladda Soomaaaliya ay u magacowday dhawaan dalka Mareykanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
  13. Luuliyo 14, 2014: Munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay aasaaska Goobjoog FM ayaa ka dhacday magaaladan Muqdisho. Xafladda oo si weyn loo qaban qaabiyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti sharaf kala duwan oo isugu jira madax ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, bahda waxbarashada, warbaahinta, ciyaaraha iyo ururada bulshada.
  14. Luuliyo 14, 2014: Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa hambalyo u diray Goobjoog FM oo u dabaal dagaysa sanad guuradeedii labaad. Nicholas Kay ayaa bogaadiyay kaalinta aan daalka lahayn ee Goobjoog FM ka geysatay horumarinta adeega bulshada soomaaliyeed mudadii labada sano ee ay jirtay.
  15. Luuliyo 16, 2014: Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahayd Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday qoraagii caanka ahaa Ee Soomaaliyeed Cabdul qaadir Macalin Cismaan {Oromo}oo isagu muddooyinkaanba ku Xanuunsanaa London
  16. July 23, 2014: Dabley hubeysan ayaa waxey magaalada Muqdisho ku dileen xildhibaanad Saada Cali Warsame oo ka mid aheyd mudanayaasha baarlamaanka federaalka ee soomaaliya, rag ku hubeysan qoryaha AK47 oo saarnaa gaari nooca raaxada ah ayaa marxuumadda ku toogtay agagaarka Hotel Ambassador ee u dhow isgoyska nambar 4 ee magaalada Muqdishu.
  17. Agoosto 1, 2014: Madaxeweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareyey dilkii maalintaas magaaladda Muqdisho ee Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Xlidhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  18. Agoosto 12, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha mudane Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa maalintaas si gaar gaar ah Muqdisho ugu qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark Mogens Jensen oo booqasho ku yimid dalka.
  19. Agoosto 13, 2014: Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maalintaas aroortii, iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro sidii uu kusoo ceshan lahaa dowladnimada.
  20. Agoosto 14, 2014: Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsanaa barlamaanka Federaalka, Cali Khaliif Galayr ayaa maalintaas oo Khamiis aheyd ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo ka dhacday deegaanka Saax-DHeer ee gobolka Sool.
  21. Agoosto 15, 2014: Furitaanka Jaamacadda Umadda, Kulankan oo uu shir-guddoon ka noqday maxadawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Umadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin manhajka Jaamacada, kuliyadaha ugu horeeya ee ay yeelanayso, miisaaniyadda jaamcadda, iyo qodoba kale oo muhiim ah.
  22. Agoosto 22, 2014: Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Frank Lobionda oo ka tirsan Kongareska Maraykanka,
  23.  Agoosto 22, 2014: Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo maalintii labaad ku sugnaa dalka Kenya ayaa gaaray xerada qaxootiga DHadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 5 boqol oo kun oo qof.
  24. Agoosto 30, 2014: Bilowga Howl-galka Badweynta Hindiya . Howlgalkan oo AMISOM iyo Dowladda Fedraalka ay ku qaadeen goobo ay heysato Al-shabaab ayaa wax ka badalay xiriirka dowladda iyo Gobolada.
  25. Sabteembar 3, 2014: Kulan aan caadi ahayn ayey golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho, kulanka waxaa lagu sheegay in ciddii isa soo dhiibto ka hor inta uusan dhamaanin muddada 45-ka maalmood ee xukuumaddu siisay dagaalyahanada Al-shabaab la cafin doono. Waxay sidoo kale sheegeen in la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.
  26. Sabteembar 6, 2014: Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijisay geerida hogaamiyahoodii oo ay maraykanku sheegeen in ay duqeyn ku dileen maalmo ka hor. Al-shabaab ayaa xilkii uu baneeyay hogaamiyahoodii hore u magacaabay hogaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarakada Al-shabaab.
  27. Sabteembar 7, 2014: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xilka ka qaaday taliyihii nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
  28. Sabtembar 20, 2014: Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday agaasimihii hay’adda nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (San baloolshe).
  29. Sabtembar 21, 2014: Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa si rasmi ah ula wareegtay hawsha dekada Magaalada Muqdisho. Munaasabadii howsha dekada shirkadan ay kula wareegaysay waxaa ku sugnaa xubno ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkada Al-bayrak ayaa maanta gebi ahaan la wareegtay maamulka dekeda Muqdisho.
  30. Sabtembar 21, 2014: Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa saaka ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida Qaranka SoomaaliyeedC/raxmaan Tuur yare uu madaxweynaha wareegto ku magacaabay
  31. Sabteembar 25, 2014: Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska Ilaalinta ee Xuquuqda Carruurta.
  32. Sabtembar 27, 2014: Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobey ayaa sheegay in in ka badan 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay kala wareegeen xarakada Al-shabaab.
  33. Aktoobar 7, 2014: Waxaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay laga bilaabay in mashiinka lacagaha lagala baxo laga hir geliyo gudaha magaalada. Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay isticmaalaan mashiinka lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM.
  34. Aktoobar 12, 2014: Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay safaaradii Shiinaha uu ku lahaa caasimada. Munaasbada lagu furayay safaarada ayaa waxaa goob joog ka ahaa ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay,
  35. Aktoobar 25, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaana xilalkooda loo kala wareejiyay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ka mid ah xukuumada Soomaaliya
  36. Aktoobar 25, 2014: Madaxweynaha oo kasoo horjeestay isku shaandheyn kooban oo lahu sameeyay golaha Wasiirada.
  37. Aktoobar 29, 2014: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana la socda saraakiil ka mid ah Qaramada Midoobay.
  38. Aktoobar 29, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintaas shaqo joojin ku sameeyay 21 garsoore oo ka howlgalayey maxkamadaha kala duwan ee dalka. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah loogu sheegay in shaqada laga joojiyay garsoore walba oo aan sharciga waafaqsaneyn gacmahana kula jira shaqo garsoor.
  39. Aktoobar 30, 2014: Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa xilka taliyaha booliiska Soomaaliya si KMG ah ugu magacaabay Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas) kaddib markii uu maalintaas si lama filaan ah ugu geeriyooday Muqdisho taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil
  40. Nofeembar 4, 2014:Maareeyaha shirkadaasi Albeyrkaa Mustafa Levent ayaa sheegay in ay soo saareyn lacag dhan 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol sideetan iyo Laba Kun) oo doolarka Mareekanka ah taasi oo ah dakhli kasoo xaroodey dekada Muqdisho.
  41. Nofeembar 11, 2014: Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari uu la socday xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo marayay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, Dhalxa waxba kuma noqon lakin darawalkiisii ayaa ku dhintay.
  42. Nofeembar 11, 2014: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in uu xiran yahay ilaa amar dambe kulankii maalintaas ee ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka kadib markii uu buuq hareeyay kalfadhi looga doodi lahaa mooshin ka dhan Ra’isul Wasaaraha.
  43. Nofeembar 15, 2014: mar labaad Baarlamaanka oo isugu yimid kulan looga hadli lahaa mooshinka ka dhanka ah Ra’isul Wasaaraha oo fashil ku dhamaaday kadib markii Xildhibaanada hees ka bixi waayeen.
  44. Nofeembar 17, 2014: Qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uga dalbanaayaan in uu is casilo ka dib markii ay sheegeen in khilaafka uu sii xoogeystay.
  45. Nofeembar 21, 2014: Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegey in uu yahay musharax u taagan doorashooyinka madaxnimo ee dhacaya 2016-ka. Wuxuu la hadlay wakaaladda wararka Reuters waxyar kadib markii uu dhamaaday shirkii Copenhagen.
  46. Nofeembar 27, 2014: Waxaa magaalaga Muqdishu looga dhawaaqay xisbiga cadaaladda bulshada ee uu hogaamiyo duqii hore ee magaalada Tarsan.
  47. Diseembar 1, 2014: Waxaa magaalada Muqdishu looga dhawaaqay xisbi cusub oo la magac baxay Daljir, waxaa xisbigan gudoomiye ka ah Xasan Macalin, Guddoomiyaha xisbiga cusub ee Daljir xildhibaan Xasan Macalin Maxamed oo munaasabadaas ka hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey sababaha loo aasaasay xisbigan iyo himilooyinka uu hiigsanayo xisbigan sida ilaalinta caqiidada, ilaalinta, sharafta, nafta, hantida, Xoriyada aasaasiga iyo tan umadeed.
  48. Diseembar 4, 2014: Xildhibaan Mayow Mustaf ayaa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday gaarigiisa oo marayey degmada Xamarweyne, halka Liibaan C/llaahi Nuur, kaasoo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa halkaas ku dhintay, waxaa sidoo kale goobtaas ku dhintay labo qof oo kale.
  49. December 6, 2014: Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo Kalsoonida Lagala Laabtay kadib markii codka kalsoonida loo qaaday, Xildhibaanada Aqbalay mooshinkaan waxay noqdeen 153 Xildhibaan waxaa diiday 80 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2, waxaana sidaasi ku dhacday xukuumadii uu hogaaminaayay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
  50. Diseembar 6, 2014: War qoraal ah oo hadda kasoo baxay xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa lagu amrey dhamaan golaha wasiiradda, gaar ahaan wasiirada, wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada in aysan dalka dibada oga bixi Karin illaa ay sameynayaan xil wareejin, lagalana xisaabtamayo xilkii ay hayeen. Waxaa sidoo kale warqadda ku xusan in xil wareejinta ay qasab tahay in ay goobjoog ka ahaadaan Xeer Illaaliyaha Guud, Handi Dhawrka Guud, iyo Garyaqaanka Guud.
  51. Diseembar 9, 2014: Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigtay Xasan Xanafi Xaaji oo mar kasoo shaqeeyay Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) kaa oo dowladda ku eedeysay in uu ka dambeeyay dilalka saxafiyiin dhowr ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay. Xasan Xanafi ayaa ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya waxa ay kasoo qabteen
  52. Diseembar 10, 2014: Ibraahim Maxamuud Xaamud oo ahaa kusimaha Horjoogaha Jaamacadda SIMAD ayaa lagu dilay degmada Hodan.
  53. Diseembar 11, 2014: Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Agaasimihii Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay Maxamed Cumar Maxamed, kaasoo goor habeen ah gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari lagala baxay iyadoo lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed.
  54. Diseembar 11, 2014: Saraakiisha caafimaadka ee Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ayaa xaqiijinaya in 8 Qof ay geeriyoodeen halka dad kale oo 100 Ku dhaw ay la ildaranyihiin xaalad caafimaad darro oo ka dhalatayay biyaha sumeysan ee ay cabbeen.
  55. Diseembar 11, 2014: Kalfadhigii ugu horeeyey oo uu maanta yeeshey baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiye loogu doortey Yoonis Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ahaa sedex musharax oo xilka kula tartamay. Illaa iyo 275 xildhibaan oo dhalinyaro ah ayaa baarlamaanka xubno ka ah, wuxuuna noqonayaa baarlamaankii ugu horeeyey oo ay dhalinyarada Soomaaliyeed.
  56. Diseembar 14, 2014: Waxaa baarlamaanka hortagay Xeer Illaaliyaha Guud iyo Hanti Dhawrka Guud iyaga oo ka jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanada ka weeydiinayeen waraaq ay si wadajir ah u soo saareen todobaad ka hor.Xeer Illaaliyaha Axmed Daahir oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa kalifey in uu soo saaro warqad wasiirada iyo ku xigeenada looga mabnuucayo in ay dalka dibadiisa u safraan ayuu sheegey in ay sameeyeen baaris, kadibna 19 wasaaradood iyo 3 hey’adood oo la shaqeeya wasaaradda ay ku heleen wax is dabomarin la xiriirta awoodda iyo hantida dowladda.
  57. Diseembar 17, 2014: Maamulka Madoobe Nuunoow ee sheeganayay inuu maamulo Lix gobal ayaa si rasmi ah ugu biiray maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Magaalada Baydhaba waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay yeesheen Labadaan dhinac, waxaana goobjoog ka ahaa xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Labada dhinac ku heshiiyeen awood qeybsi.
  58. Diseembar 25, 2014: weerar ay rag hubeysan ay ku qaadeen xarunta midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Xalane. Dublamaasi reer galbeed ah oo ka warhaya xaaladda ayaa wakaaladaha wararka u sheegey in illaa inta u dhaxeysa 15 illaa 20 nin oo hubeysan ay gudaha u galeen Xalane. Afayeenka AMISOM oo dhawaan la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in wali 2 nin oo ka mid ah kuwii soo weeraray xarunta Xalane lagu hareereysanyahay, islamarkaasina ay god ku dhuumanayaan. Waxa uu sheegey in ragga ay ka koobnaayeen 7 illaa 10 qof, kuwaasi oo 3 ka mid ah ay toogasho ku dileen, 2 kalana ay is qarxiyeen, halka 2 ay god galeen, kuwaasi oo lagu hareereysanyahay.
  59. Diseembar 25, 2014: Xil kala wareegayeen Ra’isulwasaarihii Hore Cabdiwali Sheekh Axmed iyo kan cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxyaabaha ay ku kala wareegeen waxaa ka mid ah dokumeendiyo ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Goobjoog News