U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa xaafadda Howlwadaag ee B/weyne waxay ku dileen Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi Mahad.

Dilka kadib ayaa halkaasi waxaa isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka yimid gurigiisa, kuna wajahnaa fariisin ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin halkaasi, hase ahaatee jidka loo galay.

Ciidamo Booliis ah oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay yaa durba bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyey.

Dilkan ayaa imaanaya xilli Labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda howlgallo xiriir ah ka wadeen xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News