U bood dhigaalka

Dil Toogasho Ah Ayaa Lagu Xukumay Eedeysane Loo Heysto Dilka Wasiir Cabaas Siraaji

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labo eedeysane oo loo heystay dilka Wasiir Siraaji Cabaas , Xukunka labada eedeysane ayaa u kala dhacay Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo lagu xakumay dil toogasho ah halka Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre ay maxkamadda xukuntay in lasii daayo.

Kiiska Dacwadaan ayaa soo socday tan iyo wixii ka danbeeyey Markii la dilay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Marxuum Cabaas Siraaji oo ay dileen ciidamo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee Qaranka oo isaga xilkiisa ku waayey dhacdadaas.

Goobjoog News