U bood dhigaalka

Diplomaasiyiinta Mareykanka Oo Aan Laga Eryi Doonin Moscow

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  dalka ruushaka  Vladimir Putin ayaa sheegay in uusan wadankiisa ka eryeenin diplomaasiyiinta Mareykanka kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu eryay 35 diplomaasi, kuwass oo Ruushka u fadhiyey dalkiisa.

Madaxweyne Putin ayaa waxa uu sheegay inuu ka war sugaayo madaxweynaha la dooratay ee Mareykanka Donald Trump kaas oo xafiiska la wareegi doono 20 January ee soo socota.

Putin ayaa waxa uu dhaleeceeyey tallaabada uu ku dhaqaaqay madaxweyne Brack Obama waxa uuna ku tillmaamay wax aan saaxiibtinimo aheyn, sidoo kale waxa uu sheegay inuu goynyo xariirka weyn ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka.

Madaxweyne Putin isagoo ka faaideysanayo sanadka cusub ayaa waxaa uu hambalyo  u diray qoyska madaxweyne Barack Obama waxa uuna u rajeyay sanada wanaagsan.

Goobjoog News