U bood dhigaalka

Diyaar Garow Loogu Jiro Soo Dhoweynta Ciidul Adxaa Iyo Suuqyada Muqdisho Oo Mashquul Ah

Sheeko:Dalka

Suuqayad magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga Ciidul Adxaa oo maalinta berri ah naga xigto.

Ciidul Adxa oo Soomaalida ay u taqaano Ciidda weyn ayaa kamid ah Labada faraxadood oo ay leeyihiin umada muslimiinta ah.

Suuqayada lagu iibiyo dharka ayaa ugu badan meelaha ay ka muuqanayaan saansaanta diyaargarowga loogu muujinyo faraxada ciida.

Jawiga suuqyada Muqdisho ayaa ah  mid saxmad ku dheehan tahay waxaana la arkayaa dad badan oo diyaar garoobaya.

Suuqyada Dharka iyo Kabaha ee Bakaaro, Suuq Bacaad iyo X/weyne ayaa ah meelaha ugu badan ee mashquulka laga dareemayo.

Maxmed Cali Maxamed waxa uu iibiyaa kabaha nuucyadooda kala duwan sida kuwa ragga iyo dumarka.

Waxa uu sheegay in mashquul badan uu  jiro islamarkaana suuqa uu u yahay mid aad u wanaagsan dadkuna ay gadanayaan dharka ciidda.

Hooyooyin wada carruurtooda ayaa u badan dadka suuqyada lagu arkayo si ay dhar ugu soo iibiyaan carruurtooda.

Dhanka kale goobaha macmacaanka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho waxaa aad u buuxdhaafiyey dadka macmacaanka iibsanaya.

Sidoo kale ciiddan oo xoolo la qalo ayaa waxaa sidoo kale  mashquul ah suuqyada xoolaha nool lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News