U bood dhigaalka

Diyaar Garowga Doorashada Hirshabelle Oo Meel Gabogabo Ah Mareysa

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan u diyaar garowga doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf, guddoomiyaha guddigan ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ay wadaan  howlihii ugu dambeeyay ee doorashada.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in 12-ka bishan oo ah waqtiga loo ballamay iney doorashada dhacdo aanay jiri doonin wax isbedal ah oo yimaada.

“Doorashada meel wanaagsan ayeey mareysaa u diyaar garowgeeda, Insha Allah, waxaan rajeeneynaa in aysan dib uga dhicin waqtigii loo baahnaa, waxaana sidoo kale aan  rajeyneynaa in doorashada ay noqota mid 12-ka bishan dhacda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Jowhar waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku qulqulayey siyaasiyiin badan, iyadoo amniga magaaladaasina aad loo adkeeyay.

Goobjoog News