U bood dhigaalka

Diyaarad 200 Rakaab Ah Sidday Oo Habeen Ka Soo Degtay Garoonka Aden Cadde

Sheeko:Dalka

Wasiirka duulista Maxamed Omaar ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah ay goor habeen soo caga-dhigatay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho,  diyaaradda oo siday  200 oo Xujey ah ayaa timid Aden Cadde Airportiga sida uu sheegay, isaga oo intaa raaciyay in garoonka hadda kadib uu furiyay illaa 10-ka fiidnimo.

Diyaaradda Jubba Airways oo dad rakaab ah ayaa xalay 8-da Fiidnimo iyo daqiiqado soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo daqiiqado kadib laabatay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayaa xalay waxaa tagay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, waxaana la sameeyay xaflad gaaban oo arrinkaasi lagu maamuusayey.

Horay garoonka habeenkii waa u shaqeyn jiray, laakin waxaa isticmaali jiray diyaarado ay ka warqabto AMISOM, dowladda federaalka ah ma maamuli jirin habeenkii, lama oga hadda wax isbadalay.

Goobjoog News