U bood dhigaalka

Diyaarad Sida 300 Oo Qaxooti Ah Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Cusmaan Axmed Maxamed oo ah qunsulka qeybta Safaaradda Soomaaliyeed ee magaalada Sanca ayaa Goobjoog News u sheegay in maanta ay Sanca kasoo baxeyso diyaarad sida ku dhawaad 300 oo Qaxooti Soomaaliyeed.

Qunuslka ayaa intaa ku daraya in Diyaaradda ay kasoo dagi doonto Magaalada Muqdisho, waxaa diyaaradda ku deeqday IOM oo Qaramamad Midoobay ah.

Cusmaan Axmed Maxamed ayaa sheegay in Diyaaradda ay  ku timid dadaal ay bixiyeen hay’adaha dowladda Soomaaliya sida hay’adda Qaxootiga Qaranka, Wasaaradda arimaha gudaha iyo Wasaaradda arimaha gudaha iyo hay’ado kale.

Diyaaradda dadka saran ayuu Qunsulka ku sheegay in ay ku jiraan sida dad da’da ah, Haweenka iyo caruurta.

Qunsulka ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu dhibaatada badan ay joogaan xerada Kharaz iyo meelaha ay dagaalada ka jiraan.

Cusmaan Axmed Maxamed waxaa uu Goobjoog News ugu dambeyn u sheegay in lagu jiro xiligii bad xiranka, arintaasna ay ku qasabtay in ay diyaarad adeegsadaan.