U bood dhigaalka

Diyaarad Drone Ah Oo Ku Dhacday J/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay gelinkii dambe diyaarad nooca loo yaqaano Drone-ka ee wax basaasa ay ku dhacday deegaanka Qudus oo qiyaastii 45 Km dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Diyaaradan ayaa la sheegay markii ay soo dhacday kadib in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahannada Al-shabaab, sida lagu daabacay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaraddan ay ku rakibnaayeen Kaamirooyinka wax duuba, balse lama sheegin soo dhicisteeda iney cillad tahay iyo in Al-shabaab ay soo rideen.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa diyaaradda oo aan burbur xooggan soo gaarin ka qaaday halkii ay kusoo dhacday, iyadoo aan la ogeyn meesha ay la aadeen.

Diyaaradaha noocan ah waxaa adeegsada dowladda Maraykanka, waxayna xog uga helaan dagaalyahannada Al-shabaab iyo meelaha ay ku sugan yihiin.

Dhowr jeer sidan oo kale diyaarado Drone ah ayaa kusoo dhacay deegaanno ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News