U bood dhigaalka

Diyaarad Ku Burburtay Afghaanistaan Oo Ay Ku Dhinteen Ciidamo Maraykan Ah

Sheeko:Dalka

Ururka gaashaabuurta Naato ayaa sheegay in hal askari oo Mareykan ah uu dhinty, halka lix kale ay dhaawacmeen ka dib markii diyaarad Helokobter ah ay kula dul burburtay gobolka Lagor ee bariga Afghaanistaan.

Ururka Naatao ayaa iska fogeeyay in diyaaradda ay la kulantay weerar, xilli ay sheegteen ururka Daalibaan inay soo rideen diyaaraddaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaadhigga Afghaanistaan oo lagu magacaabo Maxamed Radmaniish ayaa sheegay in diyaaradda ay soo dhacday iyada oo ka duuleyso magaalada Bajama ee gobolka Lagor.

Waxaa uu intaas ku sii daray in diyaaraddaan ay ku guda jirtay howlgal ay iska kaashanayeen ciidamada Afghaanistaan iyo kuwa marakeynka,isaga oo hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax cadeyn ah oo sheegaya in Daalibaan ay soo rideen diyaaradda.

Dhankiisa, afhayeenka ururka Daalibaan Dabiixallahu Mujaahid ayaa bartiisa twitterka ku qoray in ugu yaraan 43 ka mida ciidamada Afghaanistaan iyo kuwa mareykanka ay dileen ka dib markii ay soo dhacday diyaaradda.