U bood dhigaalka

Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Masar Oo La Afduubtay

Sheeko:Dalka

Diyaarad ay ledahay shirkadda Egept air ayaa la afduubay xili ay ka soo kacday garoonka Burji Carab kuna sii jeeday Qaahira.

Diyaaraddan oo noceeda yahay Airbus 320 waxaa saarnaa ilaa 55 rakaab ah, waxaana la afduubay markii ay hawada gashay.

Qof sheegay in uu xiran yahay Suun waxyaabaha qarxa ka buuxaan ayaa duuliyaha u sheegay in uu is qarxin doono haddii uu warkiisa diido, diyaaradda ayaa ka degtay Jaziiradda Qubrus.

Wasiirka Duulimaadka dalka Shariif Fatxi ayaa goordhaw gaaray Wasaaradda isagoo sheegay in la sameeyay koox baaritaan ku sameysay dhacdada iyo sida ay u dhacday.

Illaa iyo hadda lama oga cidda afduubatay, laakiin waxaa dalka Masar ka dagaalama kooxo ka soo horjeeda dowladda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News