U bood dhigaalka

Diyaarad Militariga Kenya Leeyihiin Oo Ku Burburtay Kismaayo Iyo Al-shabaab oo Sheegtay in Ay Soo Rideen

Sheeko:Dalka

Diyaarad ay leeyihiin Militariga dalka Kenya ayaa galabta ku burburtay duleedka magaalada Kismaayo, gobolka Jubbada Hoose.

Abaarihii 3.15 galabnimo xiliga Muqdishu ayaa diyaarad duqeyn ka waday Jamaame oo ka tirsan Jubbada Hoose ku burburtay markii ay kasoo laabatay hawlgalka duqeynta ah

David Obonyo oo ka tirsan Militariga Kenya ayaa sheegay in diyaaradda ay burburtay kadib howgal ay ka fulisay deegaanka Jamaame, diyaaradda waxaa helay cillad farsamo ayuu intaa ku daray.

Colonel Obonyo ma sheegin in ciladda in rasaas kasoo gaartay iyo in kale balse Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay diyaaradaasi soo riday.

Balse afayeen u hadlay Alshabaab ayaa sheegey in ay iyagu soo rideen dayuuradda kadib markii ay la haleeleen gantaal, sida uu hadalka u dhigey. Waxa uu afayeenkani sheegey in dayuuradda ay kusoo rideen deegaanka Buulo Guduud.

Qof Goobjooge oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in diyaaradda ay kusoo dhacday deegaanka Birta Dheer.

Goobjoog News