U bood dhigaalka

Diyaarad Qaad Ka Keentay Kenya Oo Soo Gaartay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo cago dhigatay diyaarad la sidda Qaad, taasi oo ka timid dalka Kenya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Qaadka uu soo degay, sidoo kalena la filayo daqiiqado kadib iney soo degaan diyaarado kale oo Qaad sidda.

Dowladda Federaalka ayaa mamnuucday in wixii ka dambeeyay 6-dii bishan guud ahaan dalka laga soo dejiyo Qaad, hase ahaatee kulan shalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu falanqeeyay arrintaan, iyadoo ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ay Qaadka dib u fasaxday.

Qaar ka mid ah gobollada dalka sida deegaannada Puntland loogama hoggaansamin ammarkii dowladda Soomaaliya ee mamnuucista Qaadka, waxaana halkaasi imaan jiray diyaarado Qaad sida.

Qaadka ayaa ah maandooriye la aaminsan yahay in dhibaato ku yahay dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan qoysas ku tiirsan ka ganacsiga Qaadka.

Mudadii uu Qaadka ka xayirnaa Soomaaaliya inteeda badan waxaa culeys badan soo wajahay beeraleyda dalka Kenya ee Qaadka, waxaana ay dareemeen dhaqaale yari soo wajahday.

Goobjoog News