U bood dhigaalka

Diyaarad Rakaab Ah Oo Markii Ugu Horeysay Ka Degtay Garoonka Baardheere Ku Dhawaad 10-sano (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Diyaarad Rakaab ah ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka degtay garoonka degmada Baardheere ee gobalka Gedo, halkaasi oo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaan oo kuwa yaryar ah ayaa waxa ay ka baxday sida la sheegay garoonka magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ay geysay dad shacab ah, Iyadoo sidoo kale isla degmada Baardheere kasoo qaadday dad kale.

Shacabka tagay degmada Baardheere ee la socday diyaaraddaan waxa ay ahaayeen qaarkood kuwo aan degmadaasi tagin Sanadihii ugu dambeeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag ayaa dhawaan shaaciyay in si caadi ah uu u furan yahay garoonka Diyaaradaha ee degmada Baardheere.

Hoos ka daawo sawirada

0004 0003 0002 0001

Goobjoog News