U bood dhigaalka

Diyaarad Sidday Raashiin Dhacay Oo Lagu Qabtay Garoonk Aadan Cadde Ee Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka ayaa goor dhaw waxay gacanta ku dhigtay diyaarad siday raashiin dhacay, taasi oo ay lahayd hay’adda cunnada ee WFP.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay kuna sugan garoonka Aadan Cadde ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in diyaaradda ay ku socotay degmada Baardheere ayna wadday 100 kiish oo raashiin ah sida Galey, Buskutka nafaqada carruurta, iyo Saliid.

Saraakiil ku sugan garoonka Aadan Cadde waxay xaqiijiyeen in raashinkaan uu dhacsan yahay Labo Sano.

Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda Federaalka ee arrintan ku shaqada leh, mana inoo suurta gelin in aynu helno cid ka mid ah wasaaradahaasi.

Hoos ka daawo sawirada

D8 D7 D6 D5 D4 D3 D2 D1

Goobjoog News